English language

Gogoldhig | Himilada iyo Aragtida | Daraasad | Shaqooyinka | HSSN | Iskaashadaan | Ku tabaruc

Address:

SASE
Wadada Biibsiga
Hargaysa
Somaliland

Telephone:

+252 2 525406
+252 2 4418302
+252 2 4411161

E-mail:
contact@sase-sl.org

DUGSIGA WAXBARASHADA GAARKA EE HARGEISA

Iskuulka Waxbarashada Baahiyaha Gaarka ah ee Hargeisa waxa uu waxbarasho iyo daryeel siiya 150 arday oo naafo kala duwan ah oo ubadan carruurta maskaxda wax ka qaba.

Caadiyan waxbarashadani waxay ubaahantahay in qof walba gaar wax loogu dhigo, galaaska waxa dhigta 7 arday si uu macalinku wax ubari karo si gaar gaar ah.

School buildings 

Adeegyada Iskuulku Bixiyo
Waxa aanu bixinaa adeegyo kala duwan oo ku salasan heerka naafo nimo ee ardayga:
  • Waxbarasho lasii 150 arday oo naafo kala duwan

  • Duugista iyo jimicsiga ardayda jidhka waxka qabta

  • Ardayda oo basas lagu soo qaado laguna celiyo

  • Goob lagu qiimeeyo xaalada ardayga cusub

  • Waxbarasho guri oo lasiiyo ardayda aadka wax uqaba ee aan iskuulka iman karin

  • Goob farsamada gacanta lagu baro ardayda waawayn, si ay ubartaan xirfado ay ku shaqo tago

  • Talooyin iyo tilmaamo waalidiinta lasiiyo

  • Galaas wax lagu baro arday naafo ah iyo caadiya si ay ula qabsan karaan marka loo wareejiyo dugsiyada caadiga ah

School bus