English language

Address:

SASE
Wadada Biibsiga
Hargaysa
Somaliland

Telephone:

+252 2 525406
+252 2 4418302
+252 2 4411161

E-mail:
contact@sase-sl.org

GOGOLDHIG

Somaliland dadka ku nooli waxay dhaqan ahaan aaminsanyihiin in caruurta naafada ah aanay wax faaiido ah lahayn, inta badan waxa loogu yeedhaa magacyo lagu xaqqirayo sida nacas, segegar, maraan, iyo wax la mid ah.
Waxaa loo arkaa in caruurtani aad uga liidato caruurta kale ee caadiga ah gaar ahaan caruurta xiskoodu dhimanyahay iyo dadka waawayn ee lamidka ah ayaa loo haystaa inaanay xaq ulahayn xuquuqaha kale ee caadiga ah. Sida xurriyadda, waxbarashada, shaqada iyo ka qaybgalka shirarka lagu gaadho go’aano iyo shuruuc.

Caruur farabadan oo xisku ka dhimanyahay ayaa Somaliland gudaheeda lugu qariyaa guryaha oo qaar iyaga kamid ah lagu xidhaa aqalada sababta oo ah dhaqanno la aaminsanyahay oo odhanaya in naafanimadu tahay ciqaab iyo habaar isla markaana loo qaato wax laga xishoodo oo xaqiran. Waalidiintu waxay qariyaan caruurohooda sababtoo ah ma hayaan waddo kale oo lagu hayn karo waayo waxay ka cabsanayaan in lagu caayo oo loogu bixiyo magacyo xaqiran.

Qaar kamida waalidiinta ayaa kala taga iyadoo ay sababtu tahay ilmo naafa ah oo u dhasha. Iyagoo ka baxsanaya bulshada iyo iyaga oo midwaliba ka baxsanyo inuu keenay naafanimada.

SASE waa urur ku shaqeeya tabarruc waxaana uu iminka gacanta ku hayaa dugsiga hoose ee caruurta garaadkoodu liito ee Hargeisa School for Special Needs. Dugsigani wuxuu tababaraa caruurta baahiyaha gaarka ah ee xagga dhimirka wax uga dhimanyihiin. Iskuulka waxaa lafuray 2001 wuxuuna bixiyaa waxbarashada baahiyaha gaarka ah ee caruurta naafada ah ee ku nool magaalada Hargiesa isaga oo isticmaalayaa barnaamajyo iyo farsamooyin qalabkooda wata oo dibudajin ku samaynayaa caruurta naafada ah. Carruurta waxa la siiyaa tababarro, waxbarasho, garashada hawlaha adeegga nafta, dad la dhaqanka iyo isticmaalka awoodaha caruurtaasi ay ku hanan karto adeegyo wax ku ool ah islamarkaana ay ku xoroobaan. Qaar badan oo caruurtaa ka mid ah ayaan wali helin fursadaha iskuulkani bixiyo.

Maanta dareenka bulshada ee ku aadan caruurta xiska wax ka qaba xuquuqdooda waxbarasho iyo jiritaan ayaa bilaaban, laakiin wali waxaa jira waddo dheer oo inagu soo fool leh oo ku aaddan figradaha ay bulshadu ka qabto caruurta xiskoodu dhiman yahay iyo dadka kale ee naafada ah. SASE waxaa u taalla hawl culus oo ku aadan u doodidda xuquuqaha iyo koridda caruurta iyo kor u qaadida waxbarashada baahiyaha gaarka ah ee Somaliland.

Halkan ka daawo barnaamij cajalad ah (135 MB) 

Exceptional children can understand as mush as you  Removing a chain from a boy at the school

Somali Association for Special Education
SASE waa urur mutadawica ah oo aan ku shaqayn doonista dano gaarahaaneed kana kooban waalidiinta caruurta naafada ah, macalimiinta baahiyaha gaarka ah, wasaaradda waxbarashada iyo xubno kale oo bulshada ka socda oo ururka aasaasay. Ururka SASE waxa uu ka aasaasmay Shaqooyinka hawlaha dugsiga Hargeisa School for Special Needs. Dugsigani wuxuu ka bilaabmay mashruuc ay maalgalisay EU anyna hergalisay haayada International Aid Services laakiin imika mashruucii wuu dhamaday waxaana lagu wareejiyay ururka wadaniga ah ee SASE.