English language

Gogoldhig | Himilada iyo Aragtida | Daraasad | Shaqooyinka | HSSN | Iskaashadaan | Ku tabaruc

Address:

SASE
Wadada Biibsiga
Hargaysa
Somaliland

Telephone:

+252 2 525406
+252 2 4418302
+252 2 4411161

E-mail:
contact@sase-sl.org

HIMILADA IYO ARAGTIDA

Himiladaya iyo Aragta waa:

Si loo xaqiijiyo xaalad aan kala sooc lahayn oo caruurtu u siman tahay( Jinsi, midab iyo nooc kasta) loona hubiyo caruurtu helaan baahidooda waxbarasho ee aasaasiga ah si ay u gaadhaan isku filaansho ay ku fushan karaan baahida nolol maalmeedkooda, si ay ugaadhaan nolol leh ayatiin wacan iyo isku filaansho farxad leh, oo ay kaga qayb galaan horumarka iyo wax qabadka dalka Somaliland.

Horumarinta kartida caruurta leh baahiyaha gaarka ah iyada oo la siinayo, tababaro gaar ah, waxbarasho xirfado nololeed iyo kaabayaal carruruta ugaar ah.

The vocational unit at Hargeisa School for Special Needs  Lunch break

Yoolka iyo Ujeedooyinka

Taakulaynta iyo xoojinta adeegyada carruurta hahidoodu gaarka tahay ee dalka iyo kor u qaadida wacyiga qoysaska iyo cidkasta oo rabta in ay ka qayb qaadato adeega oo si fiican u fahmo baahida gaarka ah.

  1. Xidhiidhinta iyo isu keenida carruurta naafada ah oo loo sameeyo kulamo qorshaysan, dooro iyo shirar keeni kara dhaqan celin ka soo kabasho naafanimo iyo dareen aqbalaadeed.
     
  2. In kor loo qaado awooda waalidiinta carruurta naafada ah dhalay iyada oo la siinayo xirfado iyo aqoon ku salaysan dibudejin taas oo waalidiinta lagu dhiirigalinayo in aanay carruurtooda ku qarin guryaha iyaga oo dadwaynaha ka qarinaya lagulana talinayo in ay geeyaan goobaha daryeelka iyo dib udejinta.
     
  3. U hawl galida in la daboolo baahiyaha carruurta naafada ah iyada oo la abuurayo xarumo dib udejineed iyo waxbarasho taas oo lagaadhsiin doono gobolada Somaliland oo dhan si ay u kala baahi badan yihiin.
     
  4. Kor u qaadida wacyiga bulshada iyo ka gudubka dhaqanka ka horjeeda caruurta leh baahiyaha gaarka ah.
     
  5. Tallo siinta 400 oo waalid oo ah kuwa dhalay caruurta baahiyahoodu gaarka tahay
     
  6. Daweeynta carrurta naafada ah ee aad ugu baahan ee aan awoodin in ay iibsadaan daawada iyo kuwa guryaha lagu tababaro ee aadka u naafada ah
     
  7. Jimicsi iyo duugis (Physiotherapy) in lasiiyo qaar ka mida ardayda jidhka wax kaqaba ee iskuulda gaarka ah iyo ardayda naafada ah ee guryaha lagu tababaro